Sheikh Shariif Sheikh Ahmed Ayaa hadda dib ugu soo laabatay Gurigiisa kadib markii loo diiday in uu gudaha u galo Garoonka Aadan Cade Amar ka soo baxay Villa Somalia .
Sheekh Shariif oo u socday Hoteelka ay deganyihiin Axmed Madoobe iyo Siciid Deni ayaa laga celiyay ilinka Garoonka Aadan Cade.
Shariifka, Rooble iyo Mas’uuliyiin kale ayaa hada iskugu imaan doona kulan gaar ah oo ka dhici doona guriga Madaxweynihii hore kaas oo looga arrinsanayo arrinta soo korortay.
Dhinaca Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre ayaa gaaray guriga Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kadib markii la celiyay isaga oo ku sii jeeday shirka Golaha Mustaqbalka.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaarihii hore, ahna musharrax madaxweyne Maxamed Xuseen Rooble, ayaa noo xaqiijisay in ay la xiriireen hay’adaha amniga si ay u ogaadan waxa keenay in laga hor istaago shirka Golaha Mustaqbalka, balse loo diiday in ay tagaan goobta shirka.
Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Oo carro xoog leh ka muuqato ayaa isna hada soo gaaray guriga Sheekh Shariif Sheekh Axmed daqiiqado kadid galay jawi ka duwan kii hore
Madaxdaan ku qulquleysa Guriga Sheekh Shariif Mw hore ee soomaliya Ayaa ka Arinsanaya dhacdadii lagu xadiday caawa dhaqdhqaaqii madaxdii hore ee dalka
