Ciyaaryahankii hore ee Arsenal Thomas Partey ayaa lagu soo oogay laba dacwadood oo dheeraad ah oo kufsi ah oo ka dhan ah qof cusub oo la sheegay inuu dhibane yahay.
Arinkan ayaa yimid ka dib markii 32 jirkan uu hore u sheegay inaanu wax dambi ah gelin shan dacwadood oo kufsi ah oo loo geystay laba dumar ah, iyo hal dacwad oo ah fara xumuyn ah ooi la sheegay in lala xiriirinayo haweeney saddexaad.
Waxay la macno tahay in Partey hadda lagu soo oogay dacwado galmo oo ka dhan ah afar dumar ah.
Labada dacwadood ee cusub waxay la xiriiraan dambiyo la sheegay in la galay sanadkii 2020 kuwaas oo markii ugu horreysay booliiska loo gudbiyay bishii Agoosto ee la soo dhaafay. Waxay daba socdaan baaritaan cusub oo ka yimid Booliska Metropolitan.
Partey ayaa kasoo muuqan doona Maxkamadda Westminster Magistrates’ 13-ka Maarso si loo qabto dhageysigii ugu horreeyay ee la xiriira labada dacwadood ee cusub.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee reer Ghana ayaa lagu sii daayay damaanad shuruudaysan Maxkamadda Southwark Crown Court bishii Sebtembar ka dib markii uu diiday inuu qirto shantii dacwadood ee hore.
Dambiyada la sheegay, oo lagu soo oogay sannadkii hore, waxay dhaceen intii u dhaxaysay 2021 iyo 2022 markii uu u ciyaarayay kooxda waqooyiga London ee Arsenal.
Waxaa lagu soo oogay dacwad afar maalmood ka dib markii uu ka tagay Arsenal markii qandaraaskiisu dhacay dhammaadkii bishii Juun.