Saturday, February 14, 2026

“Waa qalad iga yimid” – Delap oo si cajiib ah uga soo kabtay qaladkiisa

by Heemaal
2 minutes read

Liam Delap ayaa bilaabay inuu dabaaldego markii uu u maleeyay inuu soo afjaray abaartii siddeed kulan ee gool la’aanta ahayd ee uu la joogay Chelsea, intii lagu jiray guushii 4-0 ee ay ku xasuuqeen Hull City wareegga afraad ee FA Cup-ka.

Dhibaatadu waxay ahayd in kubaddu aysan si buuxda u dhaafin xariiqda goolka, kadib markii uu ka hor istaagay goolhayaha kooxda martida loo ahaa, Dillon Phillips.

Arrintani waxay muujisay jahwareerka weeraryahanka 23-jirka ah, kaasoo ku biiray Chelsea xagaagii ka dib markii Ipswich Town loo laabtay heerka Championship, heshiis lagu qiyaasay £30 milyan.

Delap ilaa hadda ma qancin taageerayaasha Blues, isagoo dhaliyay kaliya laba gool 23 kulan uu saftay, goolkiisii ugu dambeeyayna wuxuu ahaa kulankii ay 2-1 kaga adkaadeen Fulham horaantii Janaayo.

Waxay u muuqatay inuu soo afjaray abaartaas daqiiqaddii 23-aad ee kulanka, oo ka dhacay garoonka kooxda rajaynaysa inay u dalacdo Premier League, halkaas oo uu amaah ku joogay xilli ciyaareedkii 2023-24.

Iyadoo ciyaartu weli 0-0 tahay, Delap ayaa cadaadis saaray Phillips oo isku dayay inuu kubadda fogeeyo, kubaddiina cirka ayay kacday, waxay ku dhacday birta hoose ee goolka ka dibna waxay ku soo dhacday xariiqda goolka.

Si kastaba ha ahaatee, ma uusan muujin degdeg uu kubadda ku daba galo si uu shabaqa ugu hubsado.

Marka hore Delap gacanta ayuu taagay si uu u dabaaldego, dabadeedna wuxuu ka codsaday garsoorayaasha inay gool u aqoonsadaan, ka hor inta uusan soo qaadin kubadda furan oo uu toogtay, balse Phillips oo soo kabtay ayaa ka celiyay.

Si kastaba, Delap si cajiib ah ayuu uga soo kabtay qaladkaas, isagoo ku dhammeystay ciyaarta saddex caawin (assists), halka Pedro Neto uu dhaliyay saddexley (hat-trick) iyo gool uu ku daray Estevao Willian ay Chelsea oo sideed jeer ku guuleysatay FA Cup-ka u dirtay wareegga shanaad.

Kadib ciyaarta, Delap ayaa si kaftan ah uga hadlay dhacdadaas layaabka leh isagoo u sheegay BBC One:
“Waxaan ku dhaaranayaa noloshayda inaan ku dhawaaday inaan ordo oo garoonka ka baxo.
Waxaan moodayay inay gashay, kadibna waxaan sugayay garsooraha inuu seeriga yeedhiyo. Dabcan, waa inaan sugayay ilaa garsooruhu seeriga yeedhiyo. Waa qalad iga yimid, laakiin runtii waa arrin waalli ah.”

Gooldhaliyaha rikoodhka Premier League Alan Shearer, oo ka hadlayay BBC One intii lagu jiray faallada ciyaarta, ayaa yiri:
“Yaab badanaa! Maxaa Delap ku dhacay?
Waxay u egtahay inuu is leeyahay, ‘waqti badan ayaan haystaa.’ Si tartiib ah ayuu ugu socdaa kubadda oo waqti ayuu qaadanayaa. Maxaad sugaysaa?
Liam Delap ma uusan helin afar daqiiqo oo wanaagsan. Laba jeer ayuu kubadda lumiyay wuxuuna seegay fursad cad. Delap wuu liitay, inkastoo fursad la siiyay caawa. Wuxuu u muuqdaa mid aad u caajis badan, bandhigyadiisuna waa inay hagaagaan.”