Kulan salaan iyo is-xog waraysi ah ayaan maanta la yeeshay Madaxweynayaasha Dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam.
Kulankaasi waxa uu si gaar ah diiradda u saaray xaaladda siyaasadeed ee dalku ku jiro iyo sida loogu baahan yahay wada-tashi dhab ah oo looga gudbo caqabadaha taagan.
Waxaan soo dhaweeyey imaanshaha labada Madaxweyne ee caasimadda Muqdisho, anigoo ku dhiirrigeliyey dadaallada ku aaddan sidii loo gaari lahaa heshiis loo dhan yahay oo dalka looga badbaadin lahaa hubanti la’aan iyo qalalaase amni oo ka dhasha khilaafaadka la xiriira doorashada iyo dastuurka.
Waxaan ku bogaadinayaa labada Madaxweyne niyad samida iyo doonistooda ku aaddan in la gaaro xal waara oo loo dhan yahay.
Hadaba, si aan loo dayicin fursadda wada hadalka, waxaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqayaa in uu la yimaddo tanaasul iyo hoggaamin looga gudbi karo ismari waaga taagan, dalkana looga badbaadin lahaa firaaq dastuuri ah.
Ugu danbayn, waxaan ku baaqayaa in xaaladaha siyaasadeed ee cakiran ee dalka ka jira aysan naga mashquulin gurmadka shacabka Soomaaliyeed ee ay saamaysay abaarta daba-dheeraatay, lana muujiyo tallaabooyin cad-cad oo wax-ku-ool ah si loo badbaadiyo nolosha dadka tabaalaysan.






