Heemaal News Network

Buuxinta kuraasta Banaan Ee Golaha Shacabka Somalia Oo Go’aan Laga soo Saaray.(Sawiro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka 16-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka.

Ajandaha kulanka ayaa ahaa warbixinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Qaraarka Buuxinta Kuraasta ka Bannaan Golaha Shacabka.

Guddooomiye Sheekh Aadan Madoobe oo warbixin ka siiyay Xubnaha Guddiga Joogta ayaa la wadaagay xaalada guud ee dalka gaar ahaan shuruucda hortebinta u leh guud ahaan dalka iyo shacabka Soomaaliyeed ee horyaala Golaha.

Sidoo kale xubnaha Guddiga ayaa ka dooday isla-markaana ansixiyay Qaraarka Kuraasta ka Banaan Golaha Shacabka in la soo buuxiyo, si loo helo mataalada shacabka Soomaaliyeed.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Xasan Cali Kheyrre”Dastuur Cusub Oo aan Heshiis Lagu ahayn ayaa loo Qorayaa Bulshada Somaliyeed”

Heemaaln

“Somaliland Oo Qadisay Inanta Reer Awdal..”Xildhibaan Guun Oo si Adag Uga Hadlay

Heemaaln

“Laascaanood ayaa Gacantaada ka baxday Madaxweyne Ee Hargeysi yay ka Bixin Xil. Guruuje

Heemaaln