43
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Badr Abdel-Aty iyo dhiggiisa Sacuudiga Faisal bin Farhan Al Saud ayaa adkeeyay muhiimadda xoojinta iskaashiga dalalka ku teedsan Badda Cas si loo ilaaliyo amniga iyo xasilloonida marin-biyoodkan istiraatiijiga ah.
Labada wasiir waxay carrabka ku adkeeyeen in la hubiyo xorriyadda maraakiibta iyo ganacsiga caalamiga ah, isla markaana la xoojiyo isku-duwidda dalalka xeebaha leh.
Dowladdaha Sucuudiga, Masar, Djibouti, Eritrea, Jordan, Yemen iyo Soomaaliya ayaa dhawaan yeelan doono qorshe lagu xaqiijinayo amniga marin biyoodkaan.
