Saturday, February 14, 2026

Somaliya Oo Heshay Taangiyada Dagaalka ee M48 iyo M60 Patton Ee Turkiga

by Heemaaln
2 minutes read

Sawirro iyo xog ku faafay baraha bulshada ayaa muujinaya in Somaliya heshay taangiyada dagaalka ee M48 iyo M60 Patton ee Dowladda Turkigu keentay, kuwaas oo ka mid ahaa qalabkii laf-dhabarta u ahaa ciidamadii NATO intii lagu jiray Dagaalkii Qaboobaa.

Taangiyadani waa gaadiid dagaal oo culus (Main Battle Tanks – MBT), looguna talagalay inay jebiyaan difaacyada cadowga, taageeraan ciidanka lugta, isla markaana xoojiyaan awoodda weerar iyo difaac ee ciidanka.

M48 Patton waxaa markii ugu horreysay la soo saaray 1952-kii, waxaana sameeyay shirkado Mareykan ah sida Chrysler iyo General Motors. Noocyadii hore waxay wateen qori 90mm ah, balse qaar badan ayaa dib loo casriyeeyay oo loo beddelay 105mm. Miisaankiisu waa qiyaastii 45–50 tan, waxaana raaca oo ku dagaalama ilaa 4 askari. Xawaare ahaan wuxuu gaari karaa ilaa 45 km saacaddii. Waa bir culus (steel armor) oo u adkeysan karta xabbado iyo qaraxyo heerkiisa ah.

M60 Patton waxaa la soo saaray 1959-kii, wuxuuna ka horumarsan yahay M48. Qorigiisu waa 105mm (M68), wuxuuna leeyahay nidaam toogasho, gaar ahaan nooca M60A3. Miisaankiisu waa qiyaastii 50–52 tan, waxaa li dagaalami kara 4 askari, xawaare ahaanna wuxuu gaari karaa ilaa 48 km saacaddii. Waa bir culus oo la xoojiyay, noocyo badanna waxay heleen qalab difaac oo dheeri ah iyo qalab aragti habeenkii ah.

Taangiyadani waxay qaadi karaan howlgallo dhulka furan, difaaca saldhigyada istaraatiijiga ah, iyo taageerada ciidamada lugta. Qoriga 105mm wuxuu ridi karaa xabbado kala duwan (HE, APFSDS, iwm) oo ku habboon bartilmaameedyo gaashaaman iyo kuwo aan gaashaamanayn. Inkastoo aysan ahayn jiilka ugu dambeeya sida taangiyada casriga ah ee leh composite armor, haddana waa kuwo la isku halayn karo haddii si wanaagsan loo dayactiro loona tababaro shaqaalahooda.

Inkasta oo la sameeyay 1950-meeyadii iyo 1960-meeyadii, dalal badan ayaa weli adeegsanaya noocyo dib-u-habeyn lagu sameeyay. Dayactir iyo casriyeyn joogto ah ayaa kordhiya cimrigooda adeeg. Turkiga waxay muddo dheer adeegsanayeen M60 noocyo la casriyeeyay ka hor intaysan u gudbin taangiyo cusub.

Helitaanka taangiyada M48 iyo M60 Patton waxay ka dhigan tahay koror muuqda oo ku yimaada awoodda gaashaaman ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.