Saturday, February 14, 2026

R/Wasaraha Talyaaniga Oo Faahfaahisay Qodobada Ugu Mihiimsan Ee Madaxda Africa kala Hadashay

by Heemaaln
1 minutes read

Ra’iisal Wasaaraha Talyaaniga oo ka hadashay furitaanka kalfadhiga 39-aad ee Midowga Afrika ayaa madaxda Qaarada Afrika si aan horey loo arag wax ugu sheegtay.

Ra’iisal Wasaaraha Talyaaniga oo ka hadashay arinta muhaajiriinta ayaa waxay sheegtay in Wadamada Afrika ay halis ugu jiraan iney lumiyaan taarikhdooda, dhaqankooda iyo jiritaankooda sababo la xidhiidha dhalinyarada badan ee ka taahriibaya dalalkooda.

Meloni waxay xustey in dadkaasi taahriibaya ay sidoo kale halis gelinayaan naftooda oo ay lacag siinayaan magafeyaal aan jixin jixin si ay uga gudbaan badda dhexe ee mediterranean-ka.

Ra’iisal Wasaaraha Talyaaniga ayaa tilmaamtay iney muhiim tahay in dadka Afrika ay helaan xoriyad oo aan lagu qabsin iney ka tagaan dalalkooda, waxay Madaxda Afrika u sheegtay in loo baahan yahay iney dhalinyaradooda u abuuraan fursado nololeed, si ay ugu nagaadaan dalalkooda ugana qaybqaataan horumarka.