Madaxweyne Donald Trump ayaa ku faanay hub Maraykan ah oo sir ah oo ku shaqeeya caqli-macmal (AI) oo uu ugu yeeray (qalqal-geliyaha), isagoo sheegay in hubkan uu curyaamiyay nidaamyada difaaca ee Ruushka iyo Shiinaha intii lagu jiray hawlgalkii lagu qabtay madaxweynaha Venezuela, Nicolás Maduro, 3-dii Janaayo ee la soo dhaafay.
Mudadii uu la hadlayay askarta cutubyada gaarka ah ee saldhigga milatari Fort Bragg ee gobolka North Carolina, Trump wuxuu yiri:
“Xitaa iyaguba waxay ka hadlayaan hubkan sababtoo ah waxba ma ay awoodin inay ridaan,” isagoo ula jeeday in qayb weyn oo ka mid ah nidaamyadii difaaca Venezuela ay hawlgab noqdeen intii hawlgalku socday.
Wuxuu intaas ku daray oo yiri: “Qalabkii Ruushka ma shaqayn. Qalabkii Shiinaha ma shaqayn. Qof walba wuxuu isku dayayaa inuu ogaado sababta ay u shaqayn waayeen. Maalin uun ayaad ogaan doontaan.”
Trump ayaa sidoo kale hore ugu tilmaamay hawlgalkii lagu qabtay Maduro mid ka mid ah hawlgalladii milatari ee ugu degdegga badnaa, ugu xoogga badnaa, uguna saameynta badnaa.
Wareysi uu siiyay NBC News wuxuu sheegay inuu adeegsaday “hub cusub oo qarsoodi ah” isagoo xusay in dhammaan nidaamyadii Venezuela “aysan midkoodna shaqayn.”