Intii uu kujiray hadal-jeedintiisa shirka Munich ee amniga caalamka, Raysal Wasaaraha Suudaan ayaa markii ugu horraysay mee furan ka sheegay in Imaaraadku uu yahay cidda hubaysa kooxda fallaagada ah ee RSF.
Ra’iisul Wasaaraha Suudaan, Kamil Idris, ayaa soo saaray bayaan kulul oo ku saabsan faragelinta shisheeye ee dalkiisa ka jirta, isagoo si toos ah farta ugu fiiqay dalka Imaaraadka Carabta (UAE).
“Waa in Imaaraadku joojiyaa hubka uu siiyo ‘Ciidanka Gurmadka Degdegga ah’ (RSF) ka hor intaan laga hadlin xabbad-joojin.”
Hadalka Kaamil Idris ayaa kusoo beegmaya xilli ay sare martay carada loo qabo dalka Imaaraadka oo lagu eedaynayo gumaadka dadka Suudaan.