Mas’uuliyiin ayaa u sheegay warbaahinta in Madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro ay qabteen ciidanka Mareykanka ee Delta Force.
Delta Force waa qaybta ugu sareysa ee militariga Mareykanka ee la dagaalanka argagixisada.
Mareykanka ayaa muddo dheer ku eedeynayay Nicolás Maduro inuu hoggaaminayo shabakad caalami ah oo ka ganacsata daroogada, arrintaas oo uu Maduro si adag u beeniyay.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanku uu fuliyay weerar ballaaran oo ka dhan ah Venezuela, isla markaana uu qabtay hoggaamiyahooda, Madaxweyne Nicolás Maduro, iyo xaaskiisa.
“Dalka Mareykanka ayaa si guul leh u fuliyay weerar ballaaran oo ka dhan ah Venezuela iyo hoggaamiyahooda, Madaxweyne Nicolás Maduro, kaas oo isaga iyo xaaskiisa labadaba la qabtay lagana duuliyay dalka.”
Wasiirka Difaaca ee Venezuela ayaa ku dhawaaqay in si degdeg ah loo daadgureeyay ciidamo milatari oo laga kala diray guud ahaan dalka.
Isagoo ku hadlaya Af-Isbaanish farriin muuqaal ah, Vladimir Padrino López ayaa ku baaqay midnimo iyo iska caabin wadajir ah iyadoo laga jawaabayo waxa uu ku tilmaamay “gardarradii ugu xumeyd abid” ee lagu lagula kaco Venezuela. Waxa uu intaas ku daray in Venezuela ay raacayso “amarada Maduro”, isla markaana dhammaan ciidammada hubeysan la daadgureyn doono.
Have any thoughts?
Share your reaction or leave a quick response — we’d love to hear what you think!

