Mehmet Uçum, oo ah la-taliyaha sare ee madaxweynaha Turkiga, ayaa warbaahinta maanta u sheegay;
“ Dalalka madaxa bannaan ee dunidda maanta waxay wajahayaan khatar jiritaan, waxaa si dhammeystiran u burburay xeerarkii caalamiga ahaa , waxaa awoodoodii lumiyay Qaramada Midoobay iyo ururradii kale ee caalamka… waxa ka dhacay Venezuela, waxay caddeynayaan kaliya jiritaanka dal maanta wuxuu ku xiran yahay awoodiisa milatari ee difaac iyo weerar — quwadaha waa weyna waxay ku heshiiyeen marka khayraad loo socdo gaar ahaan tamarta , ma jirto wax la ixtiraamayo, dhul kasta oo khayraad leh ma ka badbaadi karo marxaladan!”
