Ciidamo isugu jira laamaha ammaanka Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle iyo Kuwa Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa howlgal wadajir ah oo miina baaris ah ka billaabay waddada u dhaxeysa Garoonka Diyaaradaha Jowhar iyo Magaaladaas.
Ciidanka ayaa si gaar ah u baaraya meelaha ay ku tuhmayaan in lagu aaso miinooyinka oo tii ugu danbaysay Jimcihii lagu beegsaday Kolonyo la socotay Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo khasaara kooban ka dhashay.
Wararka warbaahinta ay ka heleyso Jowhar oo ah xarunta Dowlad-Goboleedka Hirshabelle ayaa sheegaya in Madaxweyne Cali Guudlaawe uu saraakiisha ammaanka kala hadlay sidii xal loogu heli lahaa Miinooyinka lagu aaso dhabbaha muhiimka u ah Magaaladaas iyo Garoonka Diyaaradaha.
Qaraxii Jimcihii ayaa haleelay mid ka mid ah gaadiid kolonyo ah oo gelbinayey madaxweyne Cali Guudlaawe, waxaana ka dhaawacmay saraakiil iyo howlwadeeno ka tirsan maamulkaas.
Have any thoughts?
Share your reaction or leave a quick response — we’d love to hear what you think!

