Maxkamadda Sare ee Dalka Venezuela ayaa Arbacadii ku dhawaaqday in Delcy Rodríguez, oo ah madaxweyne ku xigeenka xukuumadda Nicolás Maduro, ay si ku-meel-gaar ah ula wareegayso xilka madaxtinimada dalka.
Go’aankan ayaa yimid kaddib kulan ay maxkamaddu ku sheegtay in tallaabadan ay lagama maarmaan u tahay “in la dammaanad qaado sii socoshada maamulka dowladeed iyo difaaca guud ee Qaranka”, sida ay warisay wakaaladda wararka ee Reuters.
Maxkamaddu waxay sidoo kale shaacisay in ay sii wadi doonto doodo sharciyeed si loo go’aamiyo qaab-dhismeedka sharciga ah ee lagu dabaqi karo xaaladda hadda jirta, iyada oo la tixraacayo maqnaanshaha khasabka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda.
Sida uu Reuters sheegay, ujeeddada doodahaas ayaa ah in la hubiyo sii shaqaynta hay’adaha dowladda iyo ilaalinta madax-bannaanida qaranka inta lagu jiro marxaladdan siyaasadeed ee xasaasiga ah.
Go’aanka Maxkamadda Sare ayaa durba kiciyay hadal-heyn siyaasadeed oo gudaha iyo dibadda ah, iyadoo indhaha lagu hayo sida ay xaaladdu u kobci doonto maalmaha soo socda
Have any thoughts?
Share your reaction or leave a quick response — we’d love to hear what you think!

