Mareykanka oo Sheegay Inuu Sameyn Karo Wixii Uusan Qof Kale Karin

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirka Difaaca Mareykanka, Pete Hegseth, ayaa sheegay in Mareykanku leeyahay awood ciidan oo u saamaxaysa inuu fuliyo howlgallo halis ah wakhti kasta iyo meel kasta oo dunida ka mid ah.

Isagoo la hadlayay warbaahinta, Hegseth wuxuu carrabka ku adkeeyay in uusan jirin dal kale oo awood u leh inuu sameeyo howlgal la mid ah mid uu Mareykanku ka fuliyay Venezuela.

“Waxaan awood u leenahay inaan adeegsanno awooddeenna halista ah wakhti kasta iyo meel kasta oo dunida ka mid ah, mana jirto dal adduunka ka jira oo fulin kara howlgal la mid ah kii aan ka fulinnay Venezuela,” ayuu yiri Wasiirka Difaaca.

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan hadal-heynta ku saabsan doorka Mareykanka ee arrimaha amniga caalamka, gaar ahaan gobolka Latin America. Khubarada arrimaha ammaanka ayaa u arka hadalka Hegseth mid fariin u diraya dalalka loollanka kula jira Mareykanka, isla markaana muujinaya awoodda ciidan ee Washington.

Wasiirka ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan nooca howlgalka laga fuliyay Venezuela, balse hadalkiisa ayaa durba kiciyay falcelinno kala duwan oo gudaha iyo dibadda ah.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.