Madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro wuxuu muddo dheer si weyn ugu tiirsanaa ciidamo amni iyo sirdoon oo ka socday Cuba, halkii uu si buuxda ugu aamini lahaa ciidammada dalkiisa. Arrintan ayaa ka dhalatay kalsooni-darro baahsan oo u dhaxaysay isaga iyo hay’adaha amniga Venezuela, taas oo salka ku haysay cabsi joogto ah oo uu ka qabay afgambi, khaarijin ama faragelin dibadeed.
Ilaalada ugu dhow ee Maduro, gaar ahaan kuwa had iyo jeer la socday safarradiisa dibadda iyo kulamada xasaasiga ah, waxay u badnaayeen Cuban, kuwaas oo si gaar ah loogu xushay daacadnimo iyo khibrad sirdoon. Ciidamadan Cuban-ka ah ma ahayn oo keliya kuwo ilaalin jirey nafta madaxweynaha, balse sidoo kale kormeeri jirey daacadnimada ilaalada Venezuelan-ka, iyo xitaa saraakiisha sare ee ciidamada qalabka sida.
Qaabkan amni ayaa si weyn u wiiqay kalsoonidii uu madaxweynuhu ku qabay ciidankiisa, islamarkaana abuuray jawi laba-ilaalin ah , taas oo keentay in saraakiil badan oo Venezuela ah ay dareemaan in la tuhmayo, lana hoos-eegayo.
Xilliyada uu Maduro ka baqayey afgambi ama weerar dibadda ah – sida xaaladdii ugu dambeysay ee lagu eedeeyay in lagu qabtay – ciidamada Cuban-ka ayaa la wareegi jirey ilaalinta meelaha ugu xasaasisan, gaar ahaan madaxtooyada iyo hoygiisa gaarka ah. Si kastaba ha ahaatee, xogaha soo baxaya ayaa muujinaya in nidaamkan adag uu fashilmay, taasoo sababtay in si lama filaan ah oo aan iska caabin xooggan lahayn looga kaxeeyo qolka jiifkiisa, iyadoo aanay xabbad ka dhicin gudaha madaxtooyada.
Xogaha qaar ayaa xitaa sheegaya in albaabada iyo marinada amniga si ula kac ah loo furay, arrintaas oo dhalisay su’aalo culus oo ku saabsan doorka ay ku lahaayeen qaar ka mid ah ilaalada gudaha, iyo heerka ay gaartay kala-daadsanaanta kalsoonida amni ee Venezuela. Waxaa la rumeysan yahay in faragelin dibadeed, gaar ahaan mid ay ku lug leeyihiin United States, ay ka faa’iideysatay daciifnimadan gudaha.
Gebogabadii, qaabka ilaalinta Maduro wuxuu ahaa mid ku dhisan cabsi iyo tuhun, halkii uu ka ahaan lahaa mid ku saleysan kalsooni qaran. Taasina waxay keentay in marka cadaadis dibadeed iyo mid gudaha ahi is biirsadaan, nidaamkii amniga uu si degdeg ah u burburo, islamarkaana madaxweynihii dalka si fudud looga kaxeeyo xaruntiisii ugu amniga badnayd.

Screenshot

Screenshot

Screenshot

Screenshot
Have any thoughts?
Share your reaction or leave a quick response — we’d love to hear what you think!

