Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saldhigga Degmada Kaaran, ayaa gacanta ku dhigay saddex eedaysane oo loo haysto fal dil ah oo ay u adeegsadeen toorey, kaas oo ka dhacay gudaha Degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.
Saddexda eedaysane ayaa xalay dil u geystay wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Marxuum Shaafi Guuleed Yuusuf.
Eedaysanayaasha ayaa hadda ku jira gacanta Ciidanka Booliska, waxaana loo gudbin doonaa Maxkamadda awoodda u leh, si sharciga loogu waafajiyo .
DHAMMAAD


