Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa khadka taleefanka kula hadlay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Amiir Maxamed Bin Salmaan (MBS), ayaa ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga Trkiga iyo Sacuudiga iyo ilalinta midnimada Somaliyaiyo Yemen.
Erdoğan ayaa carrabka ku adkeeyay in Ankara ay doonayso in ay qaaddo tallaabooyin cusub oo lagu sii xoojinayo iskaashiga Turkiga iyo Sacuudiga, iyo ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya iyo Yemen ay muhiim u tahay xasilloonida guud ee gobolka.
Sidoo kale, Madaxweynaha Turkiga wuxuu sheegay in Ankara ay diyaar u tahay in ay ka qayb qaadato dadaallada lagu isu soo dhoweynayo dhinacyada isku haya Yemen, si xal waara loo helo.
