Wadahadalo Lagu Dhex – dhexaadinayo Israa’iil iyo Suuriya Oo Uga Socda Magalada Paris

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Wadahadalo uu dhexdhexaadintooda iyo isku dubo-ridkoodaba leeyahay Maraykanku ayaa dalalka Israa’iil iyo Suuriya uga socda magaalada Paris ee waddanka Faransiiska.

Sida ay qortay wakaalada wararka Suuriya ee SANA, Suuriya waxa wadahadalka uga qaybgelaya Wasiirka Arrimaha Dibadda Asaad al-Shaibani iyo Agaasimaha Guud ee Sirdoonka Suuriya Hussein al-Salameh, waxaana dhinaca Israa’iil uga qaybgelaya wefti dhigooda ah, iyadoo wadahadaladu ay socon doonaan muddo laba maalmood ah.

Sida ay warbaahinta Israa’iil qortay, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa uu ku caddaadiyey Ra’iisal-wasaaraha Israa’iil oo ay Maraykanka ku kulmeen inuu wadahadal la furo Suuriya, si degdeg ahna xal looga gaadho waxyaabaha ay labada dal isku hayaan.

Dawladda Suuriya ayaa doonaysa in Israa’iil ay ilaaliso qaranimada iyo madaxbannaanida Suuriya, isla markaana ay joojiso farogelinaha arrimaha gudaha Suuriya, halka sidoo kale ay Suuriya doonayso in ciidamada Israaiil ay dib uga baxaan goobaha iyo dhulka Suuriya ay ee joogaan, dibna ugu laabtaan goobihii ay joogeen ka hor intii aan xukunka laga tuurin Madaxweynihii Suuriya Bashar Al Asad bishii December 2024.

Dawladda Israa’iil ayaa iyaduna doonaysa in wadahadalada aanay ka soo bixin waxyaabo xad-gudub ku ah danaha amniga qaranka Israa’iil, balse waxa la filaya in Maraykanku uu heshiis la isla wada ogol yahay ka dhex dhaliyo Suuriya iyo Israa’iil, iyadoo wararku sheegayaan in Suuriya qayb ka noqon doonto heshiiska Amraham Accords ee ay lagu caadiyeynayo xidhiidhka Israa’iil iyo dalalka Islaamka.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.