Golaha Midowga Dowladaha Carabta ee heerka wakiillada joogtada ah ayaa cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee ‘Somaliland’ sida dal madax-bannaan oo ka madax-bannaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo tallaabada Israa’iil lagu tilmaamay ‘danaysi siyaasadeed, amni iyo dhaqaale oo si adag loo diiday.’
War-saxaafadeed kasoo baxay kadib kulan degdeg ah oo maanta ka dhacay xarunta Ururka Jaamacadda Carabta ee Qaahira, Golaha ayaa adkeeyey inaanay jirin wax sharciyad ah oo ay leedahay tallaabadan iyo diidmada buuxda ee tallaabo kasta oo ka dhalan karta aqoonsigan, kaas oo, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, loogu talagalay in lagu fududeeyo qorshayaasha barakac khasab ah ee dadka Falastiiniyiinta ama si loo oggolaado dekedaha woqooyiga Soomaaliya in ay halkaas saldhigyo militari Israeli ka dhistaan.
Ururka Jaamaccda Carabta ayaa ugu baaqay dhammaan Dawladaha iyo ururrada caalamiga ah iyo kuwa goboleed in ay ka fogaadaan wax xiriir rasmi ah ama aan rasmi ahayn oo ay la yeeshaan maamulka Gobollada Waqooyi-Galbeed ee Soomaaliya iyada taas oo ka baxsan beey yiraahdeen qaab-dhismeedka madaxbannaanida Soomaaliya, isagoo dhanka kalena adkeeyay in “wax kasta oo xadgudub ah oo lagu sameeyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay tahay fal cadownimo oo ka dhan ah Dowladda Soomaaliya iyo Dalalka Carabta iyo Afrika, waxayna ka dhigan tahay beey yiraahdeen ku xadgudubka shuruucda caalamiga ah, isla markaana kuwa falka geysta ay si buuxda mas’uul uga yihiin.”
[penci_blockquote style=”style-3″ align=”none” author=””]
Warar Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso
- Jaamacadda Carabta Oo kasoo Horjeesatay Aqoonsiga Somaliland “Ma Aqbalayno Saldhig ay Israel ka Hesho Somaliya.”
- Jaamacadda Carabta oo Maanta kulan Deg-deg ah ka Yeelanaysa Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland
- Jaamacadda Carabta Oo si Adag u Cambaareysay Talaabada Israel ku Aqoonsatay Somaliland.
[/penci_blockquote]
Goluhu sidoo kale wuxuu diiday isku day kasta oo lagu aqoonsanayo gooni u goosashada waxa loogu yeero “Somaliland” mowqifka adag ee Carabta ee ku saabsan in gobollodaas loo arko “qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya”, iyadoo lagu saleynayo dastuurada Ururka Carabta, Qaramada Midoobay, iyo dastuurada dhammaan ururada Soomaaliya xubinta ka tahay, sida ku cad bayaan.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in goluhu wuxuu u arkay aqoonsiga Israa’iil ee dhulka mid aan sharci ahayn, isagoo ku sifeeyay ” in ay qayb ka tahay isku dayada Israa’iil, oo ah qabsasha awoodeed oo sharci darra ah, inay Khalkhal gelineyso xasilloonida nabadda iyo ammaanka caalamiga ah, iyo in ay weerar ku tahay ammaanka qarameed ee dalalka Carabta, taas oo u baahan tallaabooyin sharci, dhaqaale, siyaasad iyo diblomaasiyadeed oo ka dhan ah”
Goluhu sidoo kale wuxuu tixgeliyey tallaabooyinka Israa’iil inay yihiin “isku day daran oo lagu doonayo in lagu beddelo khariidada juqraafi siyaasadeed ee Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas ee xeebaha Soomaaliya” wuxuuna ugu baaqay beesha caalamka in ay tallaabooyinkan u arkaan mid “khatar” ku ah nabadda iyo ammaanka gobolka iyo kan caalamiga ah, iyo sidoo kale xorriyadda maraakiibta iyo ganacsiga caalamiga ah.
Goluhu wuxuu ku celiyey diidmadiisa cad ee isticmaalka dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ama qayb ka mid ah, waxa uu ugu yeeray “ciidan dibadda ah, iyo sida meel laga fuliyo falal cadowtinimo ama sirdoon oo lagu beegsanayo dalalka kale”.
Wakiilka joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Ururka Jaamaacadda Carabta, Cali Cabdi Awaare, ayaa ku tilmaamay ku dhawaaqista Israel ee aqoonsiga Somaliland ay u aqoonsatay dal madax-bannaan inay tahay tallaabo weerar iyo daandaansi ah, taasoo ah buu yiri xadgudub cad oo aan horay loo arag oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah, qaraarada Qaramada Midoobay, iyo Dastuurka Ururka Dowladaha Carabta iyo Midowga Afrika.
Xigashi: BBC Somali

