Ciidamada Booliska Somaliland, oo kaashanaya Ciidamada Nabadgelyada DD.Somalida, ayaa hawlgal qorshaysan oo ay sameeyeen gacanta kusooo dhigay eedaysane Cabdirisaaq Aadan Rooble, kaas oo ku eedaysan inuu 31-03-2026 dil u geystay Marxuum Maxamed Axmed Kaahin.
Kadib hawlgal dheer iyo baadhitaan ay sameeyeen Ciidanku , ayaa eedaysanaha lagu qabtay tuulada Magaalo Xaali, waxaana si degdeg ah loo horgayn doonaa hay’adaha garsoorka.
Taliska Ciidanka Booliska JSL waxa uu u mahadcelinayaa dhammaan cid kasta oo ka qayb qaadatay hawlgalkan lagu soo qabtay eedaysanaha.

