Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran Abbas Araghchi ayaa sheegay in aanu jirin wax soo-jeedin xabbad-joojin ah oo ay Iran dalbatay.
Warbaahinta dowladda Iran ee (IRIB) ayaa baahisay in Araghchi uu ku tilmaamay qorshe shan qodob ah oo la sheegay in Iran soo jeedisay mid mala-awaal warbaahineed.
Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa inuu sheegay in dagaalku sii socon doono ilaa gardarrada la ciqaabo isla markaana magdhow buuxa la siiyo Iran.
Dhinaca kale Hogaamiyaha sare ee Iiraan ayaa ku dhawaaqay in siyaasada joogtada ah ee Iiraan ay tahay in lasii wado taageerada iska caabinta Mareykanka iyo ISRL oo uu ku tilmaamay iney yihiin “Cadow.”
Hogaamiyaha cusub ee Iiraan wuxuu sheegay inuu markale cadaynayo in siyaasada joogtada ah ee Iiraan aysan marnaba ka leexan doonin wadada hogaamiyihii la dilay ee Khameni.
Qudus, Talaabiib iyo Rosh-Hayin, oo ka tirsan magaaloyinka ISR, ayaa gantaallo lalla eegtay, iyadoo goobaha burburku gaaray ay hada gaareen kooxaha gurmadka deg-dega ah.
Seeriga digniinta ayaa laga maqlay qeybo ka mid ah Israa’iil, kadib markii la maqlay gantaal ka yimid Iran.
Dhawaqa qaraxyada ayaa u muuqday in uu yimid markii hannaanka difaaca Israel ay qabteen qaar ka mid ah gantaalada lagu soo weeraray, iyadoo aan wax khasaare ah la soo sheegin.
Gantaalka ayaa imaanaya xilli qoysaska Israa’iil ay isu diyaarinayaan inay xusaan dabaal-degga Yahuudda.
Qaraxyo xooggan ayaa laga maqlayaa magaalada Tehran ee dalka Iran.
Warbaahinnada Iran ayaa sidoo kale ku warramaya in qaraxyo cusub ay halkaas ka dhaceen.
