Heemaal News Network

Nafaqada Balaadhan Ee Ku Jirta Saliid Saytuunta.

Saliid Seytuunka waxay ka mid tahay cunnooyinka qadiimka ee dunida laga isticmaalo. Marki la arkay faa’idooyinka caafimaad ee faraha badan oo ay Saliiddan leedahayna waxaa loogu yeeraa ama looga magacdaray ‘Dahab dareera ah.’

Haddaba, maxay yihiin faa’idooyinka caafimaad ee laga helo? Ma jiraan xaalado qofka uu saliiddaasi ku isticmaalin Karin? Su’aalahaa iyo kuwa kalaba waxaa barnaamijka cunnooyinka wanaagsan looga hadlo ee ‘BBC Good Food’ uga jawaabay Nicola Shubrook oo takhasuskiisu yahay cuntooyinka nafaqada leh.

Saliidda Seytuunka waxaa laga helayaa miraha geedka Seytuunka marka la tuujiyo. Geedkaasi oo aasal ahaan ka soo jeedo Badda Meditraneanka.

Dhadhanka saliidda wey kala duwanaan kartaa iyadoo ay ku xiran tahay dalka laga soo saaray. Saliidda qaar dhadhankeedu waa khafiif halka qaar qaraarna la helayo.

Farsamooyinka saliiddasi lagu sameeyana waxaa loo qaybiyaa laba qaybood oo kala ah mid la sifeeyey iyo mid aan sifeysneyn.

Saliid Setuunka nadiifta tan aan nadiifta ahayn wey ka qaalisan tahay dhadhan gaar ah ayeyna leedahay midabkeeduna wuxuu xigaa madow.

Nafaqada laga helo saliiddaasi

Tusaale ahaan nafaqada laga helo hal qaaddo oo Saliid Seytuunta (11mililitir) waxay ka kooban tahay:

99 Kaalory

11 grams oo dufan ah

9 garaam oo dufanka xargago iyo

56 garaam oo Fitaamin E ah

Faa’idooyinka caafimaad ee Shanta ah oo laga helo

1. Caafimaadka wadnaha ayey u wanaagsan tahay

Saliid Seytuunka waa cuntada ugu wanaagsan ee laga isticmaalo waddamada ku teedsan badda Meditiraaniyanka.

Daraasado farabadan oo la sameeyey waxay tibaaxayaan Saliid Seytuunta asalka ah iney faa’idooyin caafimaadka leedahay.

Waxaana faa’idooyinkaasi ka mid ah iney dajiso dhiig karka iyo iney nidaamiso dufanka jirka ku jira.

Cimibaarisyo Sayniska oo la sameeyey waxay sheegayaan Saliidda Seytuunka iney tahay halka keli ah ee laga helo dufanka aan fariisan, kaasoo yareeyo dhiig furanka iyo cudurrada wadnaha ku dhaca.

2. Bararka ayey hoos u dhigtaa

Bararku wuxuu ka mid yahay dhibaatooyinka caafimaad ee ay wataan cudurrada aan laga bogsan.

Cudurradaasi oo ugu horreeyo cudurka asaasiqa oo qofka xusuusta ka lumiyo noociisu labaad.

Saliiddan waxay hoos u dhigtaa Brotiinka bararka sababa sidaa ayuuna bararki jirka qofka ku jiray ku yaraanayaa.

3. Jawiga qofka oo ay wanaajiso

Cuntooyinka caafimaadka qaba ee dadka lagula taliyo iney isticmaalaan waxaa ka mid ah khudaarta, miraha kala duwan, Saliidda Kalluunka iyo Saliid Seytuunka.

Saliiddan waxay sida oo kale door ka ciyaareysaa yareynta niyadjabka iyo cadaadiska qofka haysta.

4. Waxay sare u qaaddaa maskaxda iyo sida ay u shaqeyso

Daraasad 2015-kii lagu sameyey cunnooyinka asal ahaan laga isticmaalo waddamada ku teedsan badda Meditiraaniyanka waxaa lagu ogaaday Saliiddan iney sare u qaaddo garaadka maskaxeed ee qofka gaar ahaan dadka da’da ah.

Sida oo kale waxay yareyneysaa khatarta qofka uu ugu dhici karo cudurka Asaasiqa ee qofka xusuusta ka lumiya.

5. Waxay difaacdaa cudurrada aan laga bogsan

Cilmi-baarayaashu qaarkood waxay sheegeen Saliidda Seytuunka iney ka hortageyso cudurka macaanka noociisa labaad iyo noocya ka mid ah cudurka kaansarka.

Hase yeeshee, guud ahaan cudurrada ay saliiddan difaaceyso si loo sii oggaado waxaa loo baahan yahay cilmi-baarisyo qoto dher in lagu sameeyo.

Haddaba ma isticmashaa Saliid Seytuunka?

Saliid Seytuunka oo aan marweliba laga waayin liiska cunnooyinka dadyowga caafimaadka qaba ee daafaha dunida ku kala nool, waxaa marag ma doonta ah iney dadka oo dhami ay faa’ido aad badan u leedahay.

Balse, waxay khubarada darasaddu sameysay ay soo jedinayaan iney jiraan marxalado keenay qofka inuu saliiddaasi istcmaalin ama ay caafimaad ahaan dhibeyso sida qofka xasaasiyadda qaba ee ay ku kicineyso oo kale.

Waxaana lagama maarmaan ah in Saliidda Seytuunka si dhexdhexaad ah loo isticmaalo, maadaamaa uu badan Kaaloriga ku jira.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Shanta Cunto Ee Mustaqbalka La Isku Dili Doono.

Heemaal

Shiinaha Oo ku Dhawaaqay In Hong-kong Laga Helay Kiiskii Ugu Horeyay Ee Feyriska Daanyeerka.

Heemaaln

Xanuunka Wadnaha Iyo Daawaynta Ay Ku Samayso Cunista Yaanyadu.

Heemaal