Waligay caafimaad sidan u wanaagsan ma aanan dareemin

by Heemaal
6 minutes read
A+A-
Reset

HH:Daaweyn tijaabo ah oo dib u habayn ku samaysa nidaamka difaaca jirka marka uu si khaldan u shaqaynayo ayaa sababtay in cudurka lupus uu dego, intii lagu jiray tijaabooyinkii ugu horreeyay ee lagu sameeyay UK.

Khubaradu waxay sheegeen in habkan uu mustaqbalka daweyn u noqon karo cudurro kale oo la xiriira difaaca jirka, sida multiple sclerosis iyo rheumatoid arthritis.

Mid ka mid ah bukaanadii ugu horreeyay, Katie Tinkler, ayaa tiri: “Waligay sidan uma aanan caafimaad qabin,” tan iyo markii laga helay cudurka 30 sano ka hor.

Hore ayay ugu adkayd inay carruurteeda la lugayso, balse hadda waxay awooddaa inay baraf ku ciyaarto, waxayna joojisay dhammaan daawooyinkii lupus-ka.

Cudurka lupus, oo ku dhacay ku dhowaad 50,000 oo qof gudaha UK, wuxuu keenaa in nidaamka difaaca jirku uu weeraro jirka qofka halkii uu ka difaaci lahaa cudurrada.

Haweenku waxay ka yihiin 90% dadka qaba cudurka lupus ee UK, badanaana cudurka waxaa la ogaadaa iyagoo weli da’yar.

Marka nidaamka difaaca jirku uu weeraro jirka qofka, wuxuu sababi karaa xanuun ku dhaca kala-goysyada, dhibaatooyin maqaarka ah, iyo dhaawac gaadha xubnaha jirka qaarkood, sida kelyaha.

Katie waxaa laga helay cudurka sannadkii 1993-kii, iyadoo 20 jir ah. Ma aysan oggolaan in cudurku nolosheeda xukumo, waxayna xitaa ku shaqayn jirtay macallimad jimicsi. Si kastaba ha ahaatee, mar walba waxay haysan jirtay dawooyinka steroid-ka, si ay u isticmaasho haddii astaamaha cudurku si lama filaan ah u soo laba kacleeyaan ama uu weerar degdeg ah ku qaado jirka.

Waxay sheegtay in marka cudurku kaco ay gacmaheeda aad u xanuuni jireen, taasoo ay ku adkaan jirtay xitaa inay qaaddo koob shaah ah. Waxa kale oo ay ku qasbanayd inay daawo qaadato 45 daqiiqo ka hor inta aanay sariirta ka soo kicin subaxdii, haddii kale xanuunku aad buu u darnaan jiray.

Tobankii sano ee la soo dhaafay cudurku aad ayuu uga sii daray, arrintaas oo Katie ku tilmaantay mid “aad u murugo badanayd”. Waxay marar badan muddooyin dheer ku qaadan jirtay isbitaalka. Lupus-ku wuxuu dhaawac u geystay wadnaheeda, sambabadeeda iyo kelyaheeda, waxayna gaadhay heer ay qarka u saaranayd in lagu bilaabo sifaynta kelyaha (dialysis).

Waxay tiri oo kale,  “Markii lupus-ku iigu darnaa, sariir ayaan ku xannibmay, dhaqaaqna ma kari jirin. Xaaladdaydu si degdeg ah ayay uga sii daraysay, xitaa dhimasho ayaan qarka u saarnaa… laakiin hadda waan noolahay.”

Hase yeeshee, markii aan sanad iyo bar ka dib lagu sameeyay daaweyntan tijaabada ah, waxay lahayd firfircooni iyo farxad nololeed aad mooddo qof dib u dhalatay.

Waxay tiri: “Waa wax cajiib ah. Waxaan u noolahay sida qof caadi ah. Runtii wax kasta waan aqbalayaa oo waan samaynayaa. Xitaa waxaanba illoobay in qofku dareemi karo caafimaad sidan u wanaagsan.”

Isbeddelkan weyn waxaa sabab u ahaa daaweyn tijaabo ah oo lagu sameeyay Katie si dib loogu habeeyo nidaamka difaaca jirkeeda, taas oo lagu fuliyay Isbitaalka University College London.

Daaweyntani waxay ku shaqaysaa hab la mid ah in dagaal laga dhex abuuro qaybaha nidaamka difaaca jirka; si qayb ka mid ahi u burburiso qaybta kale ee cudurka sababaysa.

Habkan waxaa ku lug leh laba nooc oo ka mid ah unugyada dhiigga cadcad, kuwaas oo kala ah B-cells iyo T-cells. Caadi ahaan unugyadani waxay jirka ka difaacaan caabuqyada iyo cudurrada.

Laakiin marka uu qofku qabo lupus ama cudurro kale oo difaaca jirku iskiis isu weeraro (autoimmune diseases), unugyada B-cells ayaa si khaldan u shaqeeya, waxayna soo saaraan walxo difaac (antibodies) oo weerara jirka qofka laftiisa.

Sidaas darteed, saynisyahannadu waxay Katie ka soo qaadeen malaayiin ka mid ah unugyadeeda T-cells, kadibna waxay ku sameeyeen wax-ka-beddel hidde-sideed (genetic modification) gudaha shaybaadhka. Waxaa la beddelay habka ay bartilmaameedka u aqoonsadaan, si ay hadda u weeraraan unugyada B-cells. Markaas ayaa dib loogu celiyey jirkeeda.

Markii unugyada T-cells-ka ee la beddelay ay gudaha u galeen jirka, waxay burburiyeen dhammaan unugyadii B-cells-ka, kuwa cudurka sababayey iyo kuwii caafimaadka qabayba.

Dhowr bilood ka dibse, unugyo cusub oo B-cells ah oo caafimaad qaba ayaa dib u samaysmay. Taas macnaheedu waa in nidaamka difaaca jirka si dhab ah dib loogu habeeyey ama dib loogu bilaabay sidii cusub.

Ma jirin wax dammaanad ah oo muujinayay in daaweyntani ay shaqayn doonto. Katie waxay xusuusataa warqad loo diray dhakhtarkeeda guud (GP-ga) oo lagu sheegay inay “ogaatay inay suurtagal tahay inay dhimato”, maadaama daaweyntu lahayd khataro waaweyn.

Sidoo kale, geeddi-socodka daaweyntu wuxuu ahaa mid aad u adag oo daal badan. Waxaa qayb ka ahaa qaadashada kiimoterabi (chemotherapy), si looga hortago in jirku diido unugyada T-cells-ka ee la beddelay.

Si kastaba ha ahaatee, Katie waxay daaweyntan qaadatay bishii Nofeembar 2024, welina caafimaadkeedu waa wanaagsan yahay. Hadda uma baahna wax daawo ah oo loogu talagalay lupus-ka, waxaana soo hagaagay xubnihii jirkeeda ee cudurku dhaawacay.

Waxay tiri: “Kelyahan ayaan ku gaadhi karaa da’ weyn, taasina waa wax aan la rumaysan karin. Wadnahaygu aad buu uga wanaagsan yahay, sambabadaydu sidoo kale way soo hagaageen. Xanuunkii dhiigga igu dhacayna hadda wuu iga dhammaaday.”

Lixdii bukaan ee ugu horreysay ee daaweyntan lagu sameeyay, shan ka mid ah weli cudurkoodu wuu deggan yahay (remission). Hal bukaan ayaa astaamihiisu si weyn u soo hagaageen, balse lupus-ku dib ayuu u kacay 11 bilood ka dib.

Kooxda cilmi-baarayaasha ah, oo natiijooyinkan ku soo bandhigtay Shirweynaha Yurub ee Rheumatology-ga (EULAR), ayaa sheegtay in bukaanadoodu weli xaalad wanaagsan ku jireen muddo ka badan 18 bilood.

Si kastaba ha ahaatee, weli lama oga muddada ay saameynta daaweyntani sii jiri doonto ka hor inta aanu lupus-ku dib u soo noqon, iyo sida ay uga shaqayn doonto marka lagu tijaabiyo bukaano tiro badan.

Dr. Maria Leandro, oo ah dhakhtar ku takhasusay cudurrada kala-goysyada iyo difaaca jirka kana shaqeysa UCLH, ayaa sheegtay:

“Haddii aan si joogto ah u heli karno bukaano cudurkoodu deggan yahay muddo saddex ilaa shan sano ah, taasi waxay lupus-ka u noqon lahayd horumar weyn. Waxaa laga yaabaa inay ka sii dheeraato intaas, balse waa inaan sugnaa oo aragnaa.”

Waxay intaas ku dartay:

“Tani si cad waa tallaabo weyn oo loo qaaday dhinaca helitaanka daawo suurtagal ah oo lupus-ka lagu bogsiin karo, waana arrin aad u xiiso badan.”

Habkan daaweyneed, oo loo yaqaan CAR-T therapy (Chimeric Antigen Receptor T-cells), hore ayaa loogu oggolaaday daaweynta qaar ka mid ah kansarrada dhiigga, sida noocyada qaarkood ee leukemia iyo lymphoma.

Natiijooyinkan ayaa ka mid ah caddeymaha ugu horreeya ee muujinaya in habkan sidoo kale loo adeegsan karo cudurrada difaaca jirku iskiis isu weeraro (autoimmune diseases).

Maadaama cudurro badan oo noocan ahi ay u shaqeeyaan si la mid ah lupus-ka, waxaa jirta rajo ah in daaweynta CAR-T mustaqbalka si ballaaran loogu isticmaali karo in lagu beegsado unugyada B-cells-ka ee si khaldan u shaqaynaya oo sababa cudurradan.

Dr. Claire Roddie oo ka tirsan University College London ayaa iyaduna sheegtay: “Waxaan aad ugu faraxsanahay rajada ay daaweynta CAR-T u leedahay cudurrada difaaca jirku iskiis isu weeraro.”

Waxay intaas ku dartay: “Mid ka mid ah cudurrada aan u aragno inay ka faa’iidaysan karto waa multiple sclerosis, waxaana hadda ku socota daraasad caafimaad oo ku saabsan. Sidoo kale rheumatoid arthritis, oo ah cudur ay saameeyaan dad aad u badan… fursadaha iyo rajada uu habkani leeyahay runtii waa kuwo aad u waaweyn.”

Katie lafteedu ma oga inta ay saameynta daaweyntani sii jiri doonto, balse waxay go’aansatay inay ka faa’iidaysato fursad kasta oo noloshu siiso.

Waxay tiri: “Waxaan rabaa inaan fuulo buuraha. Waxaan jeclaan lahaa inaan fuulo Buurta Kilimanjaro. Waxaan kaloo jeclaan lahaa inaan mar kale ka qayb galo tartanka triathlon-ka. Waxaan doonayaa inaan ka qayb qaato waxyaabo badan oo nolosha ah, oo aan ‘haa’ ku idhaahdo inta ugu badan ee aan awoodo.”

Heemaal Health