Thursday, August 13, 2026

Xuutiyiinta Yemen Oo Caawa Billaabay Weerar Gantaallo ah Oo ka Dhan ah Dawlada Sacuudigu

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa caawa billaabay weerar gantaallo ballistic ah oo ay ku qaadeen xarumo muhiim ah oo ku yaalla gobolka Taiz ee dalka Yemen,meel u dhow marin-biyoodka Bab al-Mandeb oo ay gacanta ku hayso dawladdu la aqoonsanyahay ee Sacuudiga uu taageerro ee Yemen, sida ay werisay Al Arabiya.

Adeegsiga gantaallada ballistic ee Xuutiyiinta Yemen ayaa ka dhigan waji cusub oo dagaal inuu ka bilowday gudaha Yemen, xilli ciidanka dawladda caalamku aqoonsanyahay ee Yemen ay dhankooda sare u qaadeen weerarrada ka dhanka ah Xuutiyiinta.