Saturday, August 1, 2026

Wasiir ka tirsan Xukumadda Soomaaliya oo is casilay.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasiiru Dowlihii Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Saadaad Maxamed Nuur Caliyow, ayaa si rasmi ah isaga casilay xilkii uu ka hayay dowladda, iyadoo iscasilaaddiisu ku soo beegmeyso xilli ay si xoogan u socdaan diyaar garowga doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in Saadaad uu yahay musharrax u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka, islamarkaana uu bilaabay ololihiisa siyaasadeed kadib markii uu baneeyay xilkii wasiir dowlenimo.

Sida ay sheegayaan wararka la helayo, Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la sheegay inay u bandhigtay Saadaad xil Wasiir buuxa, iyadoo sidoo kale laga codsaday inuu ka tanaasulo tartanka guddoonka Golaha Shacabka. Hase yeeshee, ilo ku dhow arrintan ayaa sheegaya inuu diiday dalabkaas, isagoo doortay inuu sii wato tartankiisa siyaasadeed.

Iscasilaadda Saadaad ayaa kusoo aadaysa xilli loolan adag uu ka socdo kursiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka, iyadoo musharraxiin dhowr ah ay isu diyaarinayaan doorashada la filayo inay qabsoonto maalmaha soo socda.

Ilaa iyo hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxtooyadu si rasmi ah ugama aysan hadlin wararka la xiriira wada-hadallada la sheegay inay la yeesheen Saadaad Maxamed Nuur Caliyow ama sababaha ku xeeran iscasilaaddiisa.