Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa Golaha Wasiirrada hor keenay, isla markaana Golaha si dhammaystiran looga hor akhriyey nuxurka Baaqii Wadajirka ahaa (Joint Declaration) ee ay soo saareen labada Dawladood, Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Israa’iil, kaasi oo ay Golaha Wasiirrada JSL cod gacan taag ah oo aan loo kala hadhin ku meel mariyeen.
Baaqan isaga ah oo soo baxay 15.06.2026-ka, waxa magaalada Jerusalem si wadajir ah ugu saxeexay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ra’iisal Wasaaraha Dalka Israa’iil.
Madaxweyne Cirro ayaa Sheegay in Baaqan Wadajirka ah ee ay soo saareen labada dhinac uu yahay tallaabo istaraatiiji ah oo waafaqsan danaha uu leeyahay Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Baaqan ayaa loo gudbin doonaa Golayaasha Sharci-dejinta Jamhuuriyadda Somaliland, si ay uga gutaan waajibaadkooda Dastuuriga ah
