Guddiga Nabadda Qasa ee uu Maraykanku hoggaamiyo ayaa sheegay in qorshaha nabadda Qasa uu weli dhaqangal yahay, isla markaana guud ahaan uu shaqaynayo, inkasta oo Israa’iil ay diidmo ka muujisay qorshaha 15-ka qodob ka kooban ee la xidhiidha hub ka dhigista Xamaas iyo ka bixitaanka ciidamada Israa’iil ee marinka Qasa.
Masuuliyiinta guddigu waxay caddeeyeen in heshiiska hub ka dhigistu yahay mid ay guddiga iyo Xamaas ka wada hadleen.
Hase ahaatee, Guddiga Nabadda ayaa sheegay in ay wadahadalada Israa’iil sii soconayaan si wax looga qabto diidmadeeda iyo tabashooyinka ay ka qabto qorshaha.
Ra’iisal wasaare Israel Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Israa’iil aanay ciidamadeeda kala bixi doonin Qasa ilaa Xamaas si buuxda hubka looga dhigo.
