Qeybo ka mid ah xarunta difaaca Mareykanka Ee Pentagon Oo la xiray Iyo Digniin

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Qeybo ka mid ah xarunta difaaca Mareykanka ee Pentagon ayaa la xiray, qaar kalena waa laga daadgureeyay Khamiistii kadib markii la helay digniin la xiriirtay tayada hawada gudaha dhismaha, balse ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in dhacdadu ugu dambeyn noqotay digniin been ah.

Afhayeenka Pentagon-ka, Sean Parnell, ayaa sheegay in nidaamyada kormeerka ay ogaadeen arrin ku saabsan tayada hawada, taasoo sababtay in la qaado tallaabooyin taxaddar ah inta baaritaanno dheeraad ah la sameynayo.

Kooxaha ka jawaaba xaaladaha walxaha halista ah iyo waaxda dab-damiska ee degmada Arlington ayaa goobta gaaray, iyadoo booliiska gudaha dhismaha lagu arkay qalab buuxa oo ka hortagga kiimikooyinka.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in baaritaannada kadib la xaqiijiyay inaysan jirin khatar dhab ah, isla markaana xiritaannada iyo daadgureyntu ay ka dhasheen digniin been ah.