Dowlada milatariga ee Burkina Faso ayaa si tartiib tartiib ah xidida ugu siibeysa shirkadaha shisheeye ee maamula dahabka Dalkaas, kuwaasoo hada luminaya awoodii ay halkaasi ku lahaayeen.
Sedexdii sano ee lasoo dhaafay, Dowlada Ibrahim Traore waxay dib u habeyn qoto dheer ku sameysay sharciyada macdanta ee Dalkaas, si loo yareeyo awooda ay halkaas ku leeyihiin Shirkadaha shisheeye ee sida wayn gacanta ugu dhigay maamulka macdanta dalkaas isla markaana loo xoojiyo oo kor loo qaado ka qaybgalka shirkadaha wadaniga ee Dalka Burkina Faso.
Dhamaadka sanadkii tagay ee 2025, lix kamid ah 15 shirkadood ee ka shaqeeya qodida iyo soo saarida macdanta iyo dahabka Dalkaas waxaa la wareegay shirkado wadani ah, sedex kamid ahna waxaa maamulkeeda si toosa ula wareegtay dowlada Dalkaas.
Arintaasi waxay muujisey isbadal taarikhi ah oo ku yimid maamulka macdanta dalkaas, taasoo horey gacanta ugu jirtay shirkado shisheeye oo ka faa’iidi jirey balaayiin dollar.
Hogaamiyaha Dalkaas, Ibrahim Traore wuxuu arrintaa ku tilmaamay isbadal muhiim u ah madax banaanida dhaqaalaha Dalkaas, wuxuuna sheegay inuu doonayo in dalkiisu uu soo saarto khayraadkiisa, kana faa’iideysto, halkii dadkiisa oo gaajoonaya ay shirkado shisheeye ka faa’iidi lahaayeen khayraadkooda, wuxuuna yidhi “Macdanta iyo dahabka annaga ayaa iska leh, annaga ayaa soo saareyna oo ka faa’iideysaneyna.”
