Madaxwayne Ciro Oo la Kulmay Raysal Wasaare Netanyahu Heshiisyo-na kala Saxiixday.(Sawiro)

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo ku guda jira booqashadiisii rasmiga ahayd ee dalka Israa’iil, ayaa maanta kulan taariikhi ah oo heer sare ah la yeeshay Raysal Wasaaraha Dawladda Israa’iil, Mudane Benjamin Netanyahu, kulan kaas oo astaan u noqday bilowga wejigii ugu muhiimsanaa ee xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Israa’iil.

Madaxweynuhu waxa uu Raysal Wasaaraha Israa’iil uga mahadnaqay go’aanka geesinimada leh, taariikhiga ah, isla markaana leh miisaanka siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed ee ay Dawladda Israa’iil si rasmi ah ugu aqoonsatay Jamhuuriyadda Somaliland dal madax-bannaan oo xor ah 26.12.2025. Arrintan oo noqotay dhacdo taariikhi ah oo bog cusub u furtay halgankii muddada dheeraa ee ay ummadda Jamhuuriyadda Somaliland ugu jireen xaqiijinta aqoonsi caalamiga ah.

“Maanta, taariikh cusub ayaa is qortay. Waxa aan mahadnaq iyo qaddarin aan la soo koobi karin u jeedinayaa Raysal Wasaaraha Israa’iil, Mudane Benjamin Netanyahu, Dawladda Israa’iil iyo shacabka Israa’iil, kuwaas oo noqday dalkii ugu horreeyey ee muddo 35 sano ah si rasmi ah u aqoonsada Jamhuuriyadda Somaliland inay tahay dal madax-bannaan oo leh qaranimadiisa, madax-bannaanidiisa iyo xaqiisa buuxa ee dawladnimo.

Dhinaca kale, Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Israa’iil ayaa si rasmi ah u kala saxeexday Baaqa Istaraatiijiyadeed ee Iskaashiga labada Dal. Heshiiskan taariikhiga ahi waxa uu dhigayaa aasaaska xidhiidh istaraatiiji ah oo waara, isla markaana xoojinaya iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, amniga, tiknoolajiyadda, maalgashiga iyo horumarinta bulshada.

Go’aankan geesinnimada leh waxa uu xaqiijinayaa adkaysiga, bisaylka siyaasadeed iyo himilada shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku dhisan nabad, dimuqraadiyad iyo xaqa aayo-ka-tashiga masiirkooda. Ummadda reer Somaliland weligood ma illaawi doonaan tallaabadan taariikhiga ah ee ku dhisan saaxiibtinimo, is-ixtiraam iyo garawshiiyo dhab ah.

Waxa aanu aaminsanahay in Somaliland iyo Israa’iil ay dhisi doonaan iskaashi qoto dheer oo waara, kuna salaysan is-ixtiraam, amni, horumar, hal-abuur iyo dan-wadaag u adeega labada shacab.

Tani waa guul taariikhi ah oo u soo hoyatay shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ah dhacdo reebi doonta raad waara oo aan ka go’i doonin bogagga taariikhda qarankeena.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ayaa Raysal Wasaaraha Dawladda Isreal Mudane Benjamin Netanyahu guddoonsiiyey Billad Sharaf Qaran oo uu ku mutaystay aqoonsiga buuxa ee ay Dawladdiisu siiyey Jamhuuriyadda Somaliland.