Netanyahu Oo la Sheegay Inuu Safar Qarsoodi ah ku Tagay Imaaraadka Carabta

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa ku dhawaaqay in Netanyahu si qarsoodi ah ugu safray Imaaraadka Carabta ka hor xabbad-joojinta, xilli dagaalka Iran uu socday, halkaas oo uu kula kulmay Sheekh Maxamedd bin Zayed Al Nahyan, Madaxweynaha Imaaraadka.

“Booqashadan waxay horseedday horumar taariikhi ah oo ku saabsan xiriirka u dhexeeya Israa’iil iyo Imaaraadka Carabta,” ayuu yiri bayaan kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil.

Dhawaan, wargeyska Israel Hayom ayaa soo xigtay safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay oo sheegay in Israa’iil ay siisay nidaamka difaaca hawada ee Iron Dome Imaaraadka Carabta intii uu socday dagaalkii dhawaa.

Wargeysku wuxuu kasoo xigtay Mike Waltz isagoo leh: “Waxaan aragnay Imaaraadka oo isticmaalaya nidaamka Iron Dome ee Israa’iil ay siisay.”