Trump Oo Netanyahu ku Amray Joojinta Dagaalka Lubnaan Kadib Markii Iran Joojisay Wada-hadaladii Maraykanka.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wax-yar ka dib markii Iiraan ay ku dhawaaqday inay ka baxday wadahadallada ay kula jirtay Mareykanka, iyadoo ku xirtay joojinta dagaalka Lubnaan, ayaa waxaa hadda soo baxay in Trump, uu sheegay inuu wacay Netanyahu oo ku yiri ; “ Jooji weerarrada iyo ciidanka aad ku wadid Lubnaan.”

Wuxuu intaa ku daray Trump; “Waxaan la hadlay Netanyahu, waxaana la isku raacay in aanay jirin ciidamo loo dirayo Lubnaan, sidoo kalena ciidamadii halkaas u socday loo soo celiyayo.

Sidoo kale, anigoo adeegsanaya wakiillo sare, waxaan la hadlay Xisbullah, waxayna ku heshiiyeen in la joojiyo dhammaan dagaalka, Israa’iil ma weerari doonto iyaga, iyaguna ma weerari doonaan Israa’iil.”

Screenshot