Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Xuduudaha ayaa si rasmi ah u shaaciyay jadwalka doorashooyinka guddoonka Golaha Wakiillada iyo hoggaanka dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Sida ku cad jadwalka, 2-da iyo 3-da Juun ayaa loo asteeyay qabashada araajida musharaxiinta u tartamaya xilalka guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeennada Golaha Wakiillada. Inta lagu guda jiro muddadan ayaa sidoo kale la soo bandhigi doonaa liiska rasmiga ah ee musharaxiinta u taagan hoggaanka golaha.
4-ta Juun, musharaxiinta ayaa jeedin doona khudbadahooda ololaha, iyagoo soo bandhigi doona qorshahooda iyo aragtidooda hoggaamineed. Isla maalintaasna waxaa la qaban doonaa doorashada guddoonka Golaha Wakiillada, iyadoo xildhibaannada cusub ay codkooda ku dooran doonaan hoggaanka golaha.
Dhanka kale, 5-ta iyo 6-da Juun ayaa loo qorsheeyay diiwaangelinta musharaxiinta u tartamaya xilka hoggaamiyaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Guddigu wuxuu 7-da Juun shaacin doonaa liiska kama dambaysta ah ee musharaxiinta, halka 8-da Juun loo asteeyay khudbadaha ololaha doorashada.
Ugu dambeyn, 10-ka Juun ayaa la qaban doonaa doorashada hoggaamiyaha cusub ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, taas oo lagu dooran doono cidda hoggaamin doonta maamulka afarta sano ee soo socota.
Jadwalkan doorashooyinka ayaa kusoo beegmaya xilli ay sare u kacday xiisadda siyaasadeed iyo amni ee Baydhabo, halkaas oo maalmihii la soo dhaafay ay ka dhaceen iska horimaadyo hubeysan oo u dhexeeyay ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa taageersan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).
Lafta-gareen ayaa weli ku adkeysanaya inuu yahay madaxweynaha sharciga ah ee Koonfur Galbeed, isagoo dhawaan shaaciyay inay wadaan dadaallo lagu doonayo in dib loogu soo celiyo maamulka gacantooda, arrintaas oo sii xoojisay muranka siyaasadeed iyo xaaladda cakiran ee ka jirta deegaannada maamulka.
