Ra’iisul Wasaaraha UK Keir Starmer ayaa hadda soo gaaray qasriga Élysée Palace ee ku yaalla Paris, waxaana wax yar ka hor kulankiisa madaxweynaha Emmanuel Macron uu Starmer ku adkeystay inuu “sameyn doono wax walba oo uu awoodo” si loo yareeyo saameynta dagaalka Iran uu ku leeyahay shacabka isla markaana dib loogu furo marin-biyoodka Strait of Hormuz.
Isagoo la hadlayay warfidiyeenka, Starmer wuxuu yiri: “Aad bay muhiim u tahay inaan dhisno isbahaysi dalal ah oo ku mideysan mabda’a ah in xabbad-joojintu noqoto mid joogto ah, in heshiis la gaaro, iyo in marin-biyoodka Hormuz uu furnaado.
“Arrintaasi waa danta dhammaanteen, sababtoo ah waxa ka socda dagaalka Iran wuxuu saameynayaa dhaqaalaheena oo dhan. Taasi waa sababta ay dalalku isu soo ururinayaan.
“Qof walba wuu caddeeyay in si arrintaasi u dhacdo, aan u baahanahay waddo diblomaasiyadeed iyo mid siyaasadeed, sidoo kale dhinac saadka iyo dhaqaale ah, iyo qorshe militari—taas ayaana maanta isugu imaaneynaa inaan ka shaqeyno.”
Galabta, Starmer iyo Macron waxay wada guddoomin doonaan kulan maqal iyo muuqaal ah oo ay ka qeybgalayaan ku dhowaad 40 dal, kaas oo lagu doonayo in lagu dhiso hawlgal caalami ah oo lagu soo celinayo marin ammaan ah si ay maraakiibta ay u maraan Hormuz.

Dhanka kale Wasiirka arrimaha dibadda Hindiya, Subrahmanyam Jaishankar ayaa warbaahinta u sheegay dalalka Faransiiska iyo Ingiriiska inay usoo bandhigeen Hindiya inay ka qaybqaadato dadaallada dib loogu furayo marin-biyoodka ay xirtay Iiraan ee Hormuz, sabab la xiriirta inay Hindiya xiriir wanaagsan la leedahay Iiraan, oo ay ka hirgelisay dekedda ugu weyn ee meel ka baxsan dhulkeeda ay ku leedahay, sida ay werisey Al Jazeera.
Wargeyska Israa’iil ka soo baxa ee Haaretz ayaa ku warramay inuu Netanyahu ka wajahayo Trump xaalad uusan horey uga arag , ka dib markii la sheegay Trump inuu ku qasbay Netanyahu inuu qaato xabbad-joojinta Iiraan iyo Lubnaan, iyadoo uusan wax door ah shuruudaha xabbad-joojinta ku lahayn.
Yahuuda ku nool Dalka Iiraan, gaar ahaan magalada Tehraan ayaa iskugu yimid Kaniisad YH-da ee ku taala Tehraan si ay ugu cibaadeystaan, xafladna ugu qabsadaan.
YH-dii meesha ka hadashay ayaa sheegay in dagaalka socda ee u dhexeeya ISRL iyo Iiraan uusan ahayn dagaal ka dhana dadka YH-da.

