Wararkii Ugu Denbeeyay Ee Wada-hadalada Maraykanka iyo Iran Iyo Qodobo kale Oo Xiiso leh

by Heemaaln
1 minutes read

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa werisey in wadahadallo qarsoodi ah oo u socda Mareykanka iyo Iiraan in is afgarad buuxa lagu gaaray oo ay dhimantahay farsamo ahaan labada dhinac inay heshiis ku gaaraan.

Waxaana warbixintu sheegtay inay suragal tahay in kulanka soo socda lagu gaaro heshiis hordhac ah, kadibna heshiis ballaaran lagu dhammeeyo muddo 60 maalmood gudahood.

Madaxweynaha Iiraan: “Ma rabno inaan sameysano hub nukliyeer ah ama aan khalkhal gelinno gobolka.

Kuwa naga soo horjeeda ee diidan horumarkeena ayaa raadinaya wado ay nagu gumeystaan, waa iyaga kuwa dila, hoggaamiyeyaasha siyaasiyiinta iyo carruurta”

Madaxweynaha Turkiga “ISRL waa caqabada kaliya ee hor taagan nabadda.”

Erdogan ayaa sheegay in ISRL ay isku hor gudubtey nabadda bariga dhexe, Isla markaana ay maanta tahay cida kaliya ee caqabad ku ah in gobolku uu helo xasilooni iyo ammni.

Madaxweynaha Suuriya, Axmed Al sharac ayaa yidhi “Buuraha Golan waa dhul Suuriya ay leedahay, Dal kasta oo ISRL u aqoonsada buuraha Golen wuxuu noqon doonaa mid aan waxba tareyn, in ka badan 134 Dal ayaa Golan u aqoonsan dhul Suuriya ka tirsan.”

ISRL waxay buuraha Golan Suuriya ka qabsatey intii lagu jirey dagaalkii lixda maalmood ee dhexmaray ISRL iyo Carabta sanadkii 1967, xiligaas ilaa hada wali ISRL way haystaa deegaankaasi.

Qaar kamida shirkadaha duulimaadyada ayaa dhimaya safarradooda kaddib markii ay soo wajahday shidaal yari sababo la xidhiidha colaadda Bariga Dhexe.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.