Taliyaha Ciidanka milatariga Somaliland Sarreeye Guuto Nimcaan Yuusuf Gaaxnuug, oo muddooyinkii ugu dambeeyey ku sugnaa gobollada galbeedka ee Awdal iyo Selel, halkaas oo uu ka waday dedaallo la xidhiidha nabadaynta laba beelood oo walaalo ah oo shaqaaqo ku dhex martay deegaannada Galbeedka Somaliland, ayaa kormeer ku maray fadhiisimada Ciidanka Qaranka JSL ee ku yaalla deegaannadaas.
Taliyaha Ciidanka Qaranka, ayaa muddadii uu ku gudo jiray kormeerkan waxa uu u kuurgalay xaaladda ciidanka iyo heerka amni ee goobaha ay joogaan.
Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka Qaranka ayaa kulan kula qaatay magaalada Lawyo Cado madaxda Gobolka Selel, oo ay ka mid ahaayeen badhasaabka Gobolkaas, Maayirka Degmada Saylac iyo guddiga nabadgelyada gobolkaas.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta nabadaynta iyo soo afjarida colaadda Beelaha walaalaha ah ee shaqaaqadu ku dhex martay deegaannadaas.
Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Sarreeye Guuto Nimcaan Yuusuf Gaaxnuug, waxa kale oo uu ku war geliyey dadka deegaannadaas in aan la oggolaan doonin in cidna si sharci-darro ah u qaadato hub, isagoo caddeeyey in cid kasta oo lagu qabto hub sharci-darro ah ay Ciidanka Qaranku kala wareegi doonaan.
Ugu dambayntii Taliyaha Ciidanka Qaranku waxa uu u Mahadnaqay dadweynaha iyo bulshada ku nool Gobollada Selel iyo Awdal, kuwaas oo sheegay Taliyuhu in ay si wanaagsan ula shaqeyeen Ciidamada Qaranka, isla markaana qaatay awaamiirtii dawladdu bixisay ee la xidhiidhay xoojinta ammaanka iyo Nabadda Gobolladaasi.











