Elon Musk ayaa shaaca ka qaaday qorshe aan caadi ahayn , isagoo ballanqaaday ilmo kasta oo Mareykan ah inuu saami (share) 2% ah ka siin doono shirkaddiisa dayax-gacmeedyada ee SpaceX iyo hantida uu si shaqsi ah u leehay.
Maraykanka waxaa ku nool qiyaastii 72 milyan oo carruur ah. Qorshihiisu waa in ilmo kasta la siiyo laba saami.Labadaas saami ee Musk uu siinayo ilmo kasta oo Mareykan ah ayaa lagu qiimeeyay inuu gaarayo 18.35 bilyan oo doollar.
Waxay u muuqataa Elon Musk, inuu doonayo sidii uu saameyn ugy yeelan lahaa jiilasha soo koraya ee Mareykanka, isagoo isku soo bandhigaya qofka ugu muhiimsan Mareykanka ee guri kasta gaarsiin kara hantidiisa, qaybna ka qaadanaya mustaqbalka carruurta. Waxaa kaloo jira suragalnimo uu taageerro ugu raadinayo fikradihiisa xagjirka ah ee hadda laga diiday gudaha Mareykanka, halka haddii uu dhaqangeliyo qorshahan ay soo baxayaan 20 sanno ee soo socota bulsho dhammaantood wax ku leh shirkadda SpaceX , taasoo fududeynaya shirkadan inay horumariso dhaqaalaheeda, meesha ka saarto tartan kasta oo mustaqbalka ay wajihi karto.
