Sunday, September 27, 2026

Wasiir Fiqi oo u hanjabay Mucaaradka.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa digniin adag u diray siyaasiyiinta mucaaradka, isagoo ka hadlay khatarta uu sheegay inay ka dhalan karto abaabul ciidan iyo tallaabooyin wax u dhimaya amniga dalka.

Fiqi ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin cid kasta oo isku dayda inay waxyeello u geysato amniga, isagoo si gaar ah uga digay siyaasiyiinta mucaaradka inay abaabulaan maleeshiyaad ama qaadaan tallaabooyin horseedi kara qalalaase amni.

“Yaan naxariis loo sameyn cid kasta oo gacanteeda soo taagta oo amniga dhibaateyso. Nimankan mucaaradka haddii ay abaabulaan maleeshiyaad, gacan bir ah ha lagu qabto,” ayuu yiri Fiqi.

Wasiirka ayaa sheegay in ilaalinta amniga ay tahay masuuliyad qaran, isla markaana Soomaaliya ay muddo dheer naf iyo dhaqaale badan ku bixisay sidii loo sugi lahaa amniga iyo xasilloonida dalka.

“Amniga aan walaal qaali ah ku weynay ayaa 4 milyan oo lacag ah oo fudud lagu soo qadanayaa. Yaan naxariis loo sameyn cid kasta oo gacanta u soo taagta inay amniga dhibaateyso,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga.

Hadalka Fiqi ayaa ku soo beegmaya xilli ay Soomaaliya ka jirto dood siyaasadeed oo la xiriirta xaaladda amniga, khilaafaadka siyaasadeed iyo habka loo wajahayo marxaladda doorashada ee dalka. Wasiirku wuxuu adkeeyay in khilaafaadka siyaasadeed aan loo beddelin tallaabooyin dhaawici kara amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.