Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta si degdeg ah uu tagay xafiiska Ku-simaha Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jamac), kaddib maalmo ay taagnaayeen khilaafaad culus oo u dhexeeyay labada dhinac.
Khilaafka ayaa la sheegay inuu la xiriiray arrimo siyaasadeed iyo kuwo maamul, iyadoo dhinaca kale Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jamac) uu hor istaagay qaar ka mid ah qorshayaashii iyo go’aannadii Xamse Cabdi Barre ee ku saabsanaa Shaqaalaha Rayidka Soomaaliyeed.
Dhinaca kale waxaa socday warar sheegaya in ay socdaan dadaallo ku aaddan mooshin ka dhan ah Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, taasoo sii xoojisay xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa dhinacyada.
Xogaha la helayo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu qeyb ka qaatay dadaallada lagu dejinayo khilaafka, isaga oo bilaabay waanwaan u dhexeeya Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Waxaa sidoo kale la sheegay in Xamse Cabdi Barre uu diray ergo doonaysay inay la kulanto Guddoomiyaha Golaha Shacabka, balse arrintaasi ay kala kulmeen diidmo dhinaca Cabdiqaadir, taasoo keentay in Ra’iisul Wasaaruhu arrinta si toos ah ugu gudbiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Kaddib wada-hadallo iyo xiriirro dhinaca taleefanka ah oo dhexmaray Xamse Cabdi Barre, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiye Cabdiqaadir Maxamed Nuur, ayaa la sheegay in lagu heshiiyay in Ra’iisul Wasaaruhu si toos ah ugu tago xarunta Golaha Shacabka sii loo dhameeeyo Khilaafka,
Ugu dambeyn, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta degdeg ku tagay xarunta Golaha Shacabka, halkaas oo uu kula kulmay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdiqaadir Maxamed Nuur.
Booqashadan ayaa timid xilli ay sare u kacday xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa labada dhinac, iyadoo kulanka laga filayo in uu qeyb ka noqdo dadaallada lagu yareynayo khilaafka iyo sidii loo sii wadi lahaa wada-shaqeynta hay’adaha dowladda.
Xamse Cabdi Barre oo Isbuucan waraysi ku sheegay in uu yahay Shuraakada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ayaa Hadda uu muuqda mid uu ka adkaaday Madaxa ii furan balse lama oga in booqashadan Xamse sii hakin doonto Mooshinka ay diyaariyeen Xubnaha Golaha Shacabka JFS.
