Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Anduril Dive-LD, oo ah drone-badeed iskeed uga shaqeysa gunta Badda oo ay leedahay dowladda Mareykanka. Qalabkan waxaa loo adeegsadaa sahanka iyo khariidaynta badda hoosteeda, xog uruurinta muhiimka ah iyo baarista miinooyinka badda.
Dowladda Mareykanka ayaa dhacdadan ka bixisay xog ku saabsan in qalabku cilad farsamo galay.
Dhinaca kale Iran ayaa markale bilaawday in ay Marinka Hormuz dhigaan miino ayagoo caawa soo tuuray gantaalada xambaara miinooyin-ka.
Miinooyinka ayaa la dhigay goob udhow Cumaan halkaasoo uu Mareykanku sheegay in uu ka nadiifiyay miinooyinka.



