Sunday, September 27, 2026

Ingiriiska Oo Ciidamo u Diray Gawaari Looga Shakiyay Qaraxyo Oo la Dhigay Saldhiga Cirka Ee Fairford

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ingiriiska ayaa ku qasbanaaday inuu ciidan militari ah iyo baarayaal qaraxyada, gawaari looga shakisanyahay in lagusoo raray walxaha qarxa oo yaala garoonka ciidamada cirka magaalada Fairford, UK. Garoonkaa waxaa sidoo kale yaala diyaaradaha dagaal B-52 iyo B-1B oo uu Mareykanku leeyahay

Sidoo kale waxaa halkaasi laga daad gureeyay dadkii ku noolaa dhismayaashii aagga ku yaalla,markii halkaa laga soo sheegay wax loogu yeeray dhacdo aan caadi ahayn, waxaana la xiray shan qof oo lagu tuhmayo inay diyaarinayeen weerar.

Waxaa kaloo aaggaa loo diray tobannaan gaadiidka gurmadka deg degga ah iyo dab-damis, iyadoo illaa hadda aan faahfaahin laga bixin xaaladda halkaa ka jirta , sida ay weriyeen AFP, AP iyo Reuters.

Screenshot