Jabhada Oromada ee FANO ayaa soo bandhitay maxaabiis ay sheegtay in ay yihiin Ciidanka Ethiopia gaar ahaan qaybta 142 ee xoogagga federaalka (ENDF) oo ku sugnaa aagga Izit Ber oo ka tirsan degmada Gubalafto ee gobolka North Wollo, masaafo dhan 10km u jirta magaalada Woldia.
Fano waxay sheegtay inay si buuxda u burburisay guutadii 6-aad ee qaybta 96-aad ee guutada 503-aad. Waxay kaloo xaqiijiyeen inay gacanta ku dhigeen in ka badan 40 askari oo ka tirsan ciidanka federaalka iyo hub badan oo ay lahaayeen.
Fano waxay ku tilmaantay tallaabadan inay ahayd mid ay ku jebiyeen difaacyo xoooggan oo ay ciidanka federaalku ka dhisteen deegaanka, iyadoo ay adeegsadeen xeelado ay ku hareereeyeen ciidanka dowladda.
