Iiraan ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay weerarro ku qaaday 19 markab oo isku dayay inay ka gudbaan marin-biyoodka Hormuz Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Fars.
Dhanka kale, Donald Trump ayaa sheegay in habeenkii xalay Mareykanku uu marinka Hormuz ka dhoofiyay xaddi shidaal ah oo rikoor cusub ah oo ka badan intii halkaas laga dhoofin jiray ka hor inta uusan dagaalku bilaaban.
Maxaa ka jira hadalka Trump ?
Saamaynta ballaaran ee awoodda Iiraan ku muujinayso marin-biyoodka Hormuz ayaa hadda laga dareemayaa gudaha Mareykanka!
Maamulka Trump ayaa ka fiirsanaya qorshe lagu mamnuucayo dhoofinta naaftada Mareykanka muddo 90 maalmood ah, iyadoo ujeeddadu tahay in hoos loo dhigo qiimaha shidaalka gudaha oo sare u kacay xilligan dagaalka Iiraan iyo carqaladaha ku yimid silsiladaha sahayda caalamka.
Tan iyo markii uu dagaalku billowday dhammaadkii Febraayo, qiimaha tafaariiqda naaftada ee suuqaday Mareykanka ayaa markii ugu horreysay dhaafay $6 halkii gallon, isagoo gaaray celcelis ahaan $6.52 gallonkiiba 23-kii Sebtembar, marka loo eego $3.69 sanad ka hor kaa oo sare u kacay 76%.
