Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Somaliya oo Beeniyay in laga soo Musaafuriyay Kenya

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jibriil Xaaji Cabdirashiid, ayaa si kulul u beeniyay eedeymo lagu faafiyay baraha bulshada oo la xiriira safar uu dhowaan ku tagay Jamhuuriyadda Kenya.

War-saxaafadeed uu soo saaray ayuu ku sheegay in dhammaan eedeymahaasi ay yihiin kuwo “been abuur ah, aan sal lahayn, isla markaana aan lagu hayn wax caddeyn ah.”

Jibriil ayaa sheegay inuusan marna ku lug yeelan falal wax u dhimaya amniga, madaxbannaanida, xasilloonida ama wadajirka dhuleed ee Kenya iyo Soomaaliya, isagoo xusay inuu mar walba waajibaadkiisa dowladeed u gudanayay si waafaqsan sharciga, nabadda gobolka iyo xiriirka deris-wanaagga.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sidoo kale ku tilmaamay Kenya inay ka mid tahay saaxiibbada iyo bah-wadaagta ugu muhiimsan ee Soomaaliya, isagoo xusay kaalinta ay dowladda iyo shacabka Kenya ka qaateen martigelinta qaxootiga Soomaaliyeed, taageerada nabadda iyo amniga gobolka, gargaarka bani’aadannimo, iyo dib u dhiska hay’adaha dowladda Soomaaliya.

Waxa uu intaas ku daray in labada dal ay ka dhexeeyaan xiriir taariikhi ah, dhaqan, qoys iyo ganacsi, isagoo sheegay in danta labada shacab ay ku jirto xoojinta iskaashiga iyo xiriirka labada dhinac.

Jibriil Xaaji Cabdirashiid ayaa sheegay inuu sii wadi doono dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan dhinacyada amniga, ganacsiga, maalgashiga, kaabeyaasha dhaqaalaha, isdhexgalka gobolka iyo xiriirka bulshada.

Ugu dambeyn, wuxuu ugu baaqay shacabka iyo warbaahinta inay ka fogaadaan faafinta wararka aan la hubin, isagoo mar kale adkeeyay sida ay uga go’an tahay ilaalinta nabadda, dowladnimada dastuuriga ah, iskaashiga gobolka iyo xiriirka wanaagsan ee Soomaaliya iyo Kenya.

Shalay, Waaxda la dagaalanka Argagixisada ee Booliska Kenya ayaa markii ugu horaysay si rasmi ah uga hadlay Masaafurintii Jibriil Abdirashid Haji oo ah Raisul Wasaare kuxigeenka Somalia iyagoo soo bandhigay Nuqul kamid ah Baasaboorkiisa Dalka Kenya kuna Eedeeyay inuu Xadka Kenya iyo Somalia ka gaystay Khalkhal galin Amni.