Safiirka Somaliland u fadhiya Israa’iil, Dr. Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud (Mohamed Hagi), ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu hore xidhiidh iyo wada-hadallo ula yeeshay Israa’iil, isaga oo xusay in arrintaasi ay dhacday xilliyo kala duwan, oo ay ku jirto muddadii uu xilka hayay Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, iyo hadda intii uu xilka hayay.
Safiirka ayaa hadalkan ku sheegay waraysi uu siiyay wariyaha reer Australia ee Ibrahim Baafo, kaas oo uu kaga hadlay xidhiidhka Somaliland, Israa’iil iyo Imaaraadka Carabta, isaga oo sidoo kale ka hadlay khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka.
Waxa uu sheegay in waxyaabaha Somaliland iyo Imaaraadka ka wada shaqeeyeen ay qayb ka yihiin waxa sababay in Madaxweynaha Soomaaliya xidhiidhka ujaro, isaga oo tilmaamay in Xasan Sheekh uu xog badan ka hayo iskaashiga Somaliland iyo dalalka ay xidhiidhka la leedahay.
“Waxa noo qabsoomay annaga iyo Imaaraadka Carabta ayaa ah shaqada sababtay in Xasan Sheekh xidhiidhka u jaro Imaaraadka, ee uu qaylada kaga tolo. Xasan Sheekh wax badan ayuu og yahay, waxaana jira waxyaabo ay dadka Soomaaliyeed dhawaan ogaan doonaan,” ayuu yidhi safiirku.
Waxa kale oo uu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu hore u booqday Israa’iil, isla markaana uu kulammo iyo wada-hadallo la yeeshay masuuliyiinta dalkaas isaga oo doonayay in uu xidhiidh la sameeyo.
Safiirka ayaa intaa ku daray in Madaxweyne Xasan Sheekh uu xidhiidh iyo wada-shaqayn la lahaa Israa’iil muddadii uu Madaxweyne Farmaajo xilka hayay, isaga oo sheegay in wada-hadalladaasi ay socdeen muddo, isla markaana kadib markii uu xilka qabtay uu kulammo badan la yeeshay dhinaca Israa’iil.
Hadalladan ayaa imanaya xilli uu sii xoogaysanayo khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, kaddib markii Dowlada Soomaaliya ay ku dhawaaqday inay jartay heshiisyadii iyo wada-shaqayntii ay la lahayd Abu Dhabi, iyada oo ku eedaysay Imaaraadka faragelin lagu hayo madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Dhanka kale, Somaliland ayaa xidhiidh dhow la leh Imaaraadka, gaar ahaan dhinacyada maalgashiga, ganacsiga, amniga iyo iskaashiga istaraatiijiga ah, iyadoo dekedda Berbera ay tahay mid ka mid ah mashaariicda ugu waaweyn ee iskaashiga labada dhinac.
Somaliland ayaa ku adkaysanaysa in ay xaq u leedahay inay xidhiidh diblomaasiyadeed iyo iskaashi la yeelato dalalka caalamka, iyada oo xidhiidhka ay la samaysatay Israa’iil ku tilmaantay mid ku salaysan danaha iyo aqoonsiga madaxbannaanideeda. Dowladda Soomaaliya, dhinaceeda, waxay si adag uga soo horjeeddaa xidhiidhka Somaliland la yeelatay Israa’iil, iyadoo arrintaas u aragta mid ka hor imanaysa midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.
Khilaafkan ayaa sii muujinaya kala duwanaanshaha siyaasadeed ee labada dhinac, gaar ahaan loollanka ku saabsan xidhiidhada dibadda iyo danaha istaraatiijiga ah ee gobolka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
