Saturday, September 12, 2026

Trump Oo ka Hadlay Codsi Uga Yimid Xuutiyiinta Yemen.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxwayne Trump oo shirjaraaid ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay inay la soo xiriireen kooxxda xuutiyiinta Yemen islamarkaana ka codsaday inuusan faragalin xiisada kala dhaxaysa Sacuudiga waxuuna yiri;

“Xuutiyiintu way nala soo xiriireen, waxayna naga codsadeen inaanan faragelin,waxayna sheegeen inaysan doonayn inay nala dagaallamaan.”

Waxaa kaloo uu sheegay wax u muuqday inay ka dhalatay sababta uusan Mareykanka u weerarrin Xuutiyiinta.

Wuxuu yiri; “Xuutiga waxay oggolaadeen maraakiibta si ammaan ah inay uga gudbi doonaan Badda Cas.”

Hadalka Trump, wuuxu soo bandhigaya Mareykanka inuu dhabarka u jeediyay xulafadiisa Sacuudiga iyo dawladda ay taageerraan ee Yemen, isla markaana uu ku beddeshay ballanqaadka Xuutiga ee ah inaysan weerarri doonin maraakiibta ama Trump, wuxuu hadalladan u jeediyay si uu cududaar ugu helo guul-darradii xulafadiisa ka wajahday Yemen, oo dabcan muujinaysa inay xisaabtiisa ka maqnayd waxa dhacay inay imaan maraan, inkastoo la xasuusto inay Xuutiyiinta si cad u sheegeen maraakiibta shirkadaha caalamka inay si ammaan ah uga gudbi karaan marin-biyoodka Bab al-Mandab, marka laga reebo kuwa Sacuudiga oo ay sheegeen bartilmaameed inay yihiin.