Saturday, October 17, 2026

Dagaalkii Ugu Cuslaa Oo galabta ka socda Magalada Alameta Ee Tigrey Iyo Milatariga Itoobiya Oo Guulo Sheegtay

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dagaalkii ugu cuslaa ayaa galabta ka socda magalada Alameta oo ka dirsan koonfurta gobolka Tigreega. Dagaalku wuxuu kaloo ka socdo 4 meelood oo Deeganka Axmarada ka tirsan.

Deeganka Canfarta ayaa waxaa dagaalka kaga jirta jabhada hubeysan oo sheegtay in ay qabaleeyo qabsadeen.

Dad la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in duqaymaha ciidamadu ka geysteen Alemata ay 7 qof oo rayid ah ku dhinteen, iyadoo warbaahinta Milatariga u dhaw ay dhankooda sheegay in Ciidamadu duqeeyen Kayd hub ah oo ku yaallay magalada Alemata, waxay xuseen in ciidamadu hormar badan ka sameeyeen, islamarkaana ay hada gudaha u galleen Deeganka Tigreega.

Sidoo kale Ciidamada Milatariga Itoobiya ayaa sheegay inay qabsadeen magaalada Waja, waxaana xusid mudan in kooxaha isbahaysiga TPLF ay ilaa maanta isku dayayeen inay qabsadaan magaalada Sekota, balse ilaa haddana laguma kala bixin dagaalka kaasoo kusii fiday nawaaxiga magaalada.

Hay’adda International Crisis Group, ayaa xustay in dagaal xooggan waqooyiga Deeganka Axmarada ka socda, waxayna xuseen in isbahaysiga Axmarada iyo Tigreegu ay dhinacan hormar ka sameeyen. Iyagoo Cabsi galiyay Magaaloyin Woldhiya ku jirto.

Dagaalka Ciidamada Cirka ayaa xoog uga qayb qaadanaya.