Waxa sii socda colaadda labada beelood ee walaalo ah ku dhexmaraysa deegaamo ka tirsan gobollada galbeedka Somaliland ee Awdal iyo Selal.
Qaylo dhaanta madax-dhaqameedka iyo haldoorka deegaamadan ayaa maalinkasta warbaahinta la hadlaya iyagoo xukuumadda ku eedaynaya in ay ka gaabisay wax-ka-qabashada colaaddan oo saamayn ku yeelatay bulshada.
Xukuumaddu gaar ahaa wasiirka arrimaha gudaha ayaa dhawr goor sheegay in la soo afjaray colaadda gobollada galbeed arrintaasi oo noqotay mid aan hirgelin.
Suldaan Samater Ibraahim Jaamac Samater oo dhawaan Boorama ka hadlay waxa uu sheegay in haddii aan colaaddan wax laga qaban natiijadeedu fogaan doonto.
Arrinta waxa sii fogeeyay hadal uu dhawaan jeediyay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cabdale Sandheere kaas oo loo fahmay in uu xayn-daabka Somaliland uu kaga saarayo Ugaas Mustafe Maxamed Ibrahim Ugaas Wacays, hadalkan oo ka cadhaysiiyay qaar ka mid ah bulshada deegaamadan.
Saamaynta colaadda.
Dagaalka ayaa saamayn ku yeeshay isu-socodka deegaamadan iyo arrimaha la xidhiidha ganacsiga maadama oo baabuur la kala qabsaday.
Deegaamada Awdal iyo Selal gaar ahaana kuwa xeebaha ku teedsan oo markii horeba horumarku ku yaraa ayaa haddana colaaddu saamayn taban ku yeelatay sida Waxbarashada, caafimaadka iyo arrimaha kale ee nolosha mihiimka u ah.
Doorka xukuumadda Somaliland oo Gaabis ah.
Xukuumadda Somaliland dhawr jeer ayay sheegtay in la soo afjaray colaadda galbeedka, waxana ay soo saartay go’aamo iyo heshiisyo balse waxa ayu muuqdaan kuwo aan fulin.
