Friday, November 27, 2026

Taliyaha Ciidamada Iran Oo Sheegay in la Gaaray Xiligii la Jabin lahaa Go’doominta Maraykanka

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Taliyaha Ciidamada Gantaallaha ee Ilaalada Kacaanka Iran (IRGC Missile Force) ayaa sheegay inuu la gaaray “Saacaddii go’aanka” (Zero Hour) ee lagu jebinaayo go’doominta Mareykanka.
​
“Jebinta go’doominta waa hawlgal aan laga soo laaban karin. Waxaa la gaaray saacaddii bilowga hawlgalka ee lagu jebinaayo go’doominta ciidamada badda ee Maraykanku.”

Iiraan waxay horay u caddeysay in aysan ogolaan doonin xaalad ah mid aysan colaadi jirin, Nabadna aynan jirin (No war, No peace situation), maadaamaa ay Jamhuuriyaddu saarantahau go’doomin dhanka badda ah oo uu kasoo gaaro khasaaro maaliyadeed oo dhan $100 ilaa $130 malyuun oo doollar maalinkii sida ay sheegeen The Washington Post iyo FDD.